Guuleed Wiliq Wiliq: Fikrad ganacsi ayuu ku iftiimiyay miyiga Soomaaliya, habka uu uga macaasho-na waa cajiib

Dadka qaar ayaa xoolahooda ku baddalanaya adeegga korontada Dadka qaar ayaa xoolahooda ku baddalanaya adeegga korontada

Guuleed Maxamuud Axmed wuxuu soo hindisay fikrad ganacsi oo uu ku caawinayo dadka xoolaleyda iyo beeraleyda ah, isagana wuxuu si hal abuurnimo ah uga helaa dhaqaale.

Ganacsadahan oo ku magac dheer Guuleed Wiliq Wiliq ayaa ah aqoonyahan Soomaaliyeed, wuxuuna ku fikiray in uu adeegga korontada ee ku shaqeeya ileyska qorraxda gaarsiiyo dhulka miyiga ah ee gobolka Shabeellaha dhexe, isagoo ka billaabay magaalada Jowhar.

Marka laga soo tago hindisaha ganacsiga, wuxuu xitaa dhaqaalaha ku sameeyaa hab ay isku af gartaan dadka macaamiishiisa ah.

Guuleed Wiliq Wiliq wuxuu la yimid fikir ganacsi oo iftiiminaya miyiga
Guuleed Wiliq Wiliq wuxuu la yimid fikir ganacsi oo iftiiminaya miyiga

BBC-da oo wareysi gaar ah la yeelatay ayuu ugu horreyn Guuleed uga warramay waxa uu mashruuca shirkaddiisa ku saabsanyahay iyo sida uu dadka u baahan adeeggiisa ula macaamilo.

“Shirkaddeenna magaceeda waxaa la dhahaa Power Off Grid. Waxaan ugu tala galnay dadka ay koronto la’aanta heyso ee aan awoodin korontadan qaaliga ah inaan u galinno koronto ku shaqeyneysa awoodda ileyska qorraxda. Habka aan ugu sameyno waa inaan cabirno quwadda koronto ee ay u baahanyihiin. Dadka intooda waxay rabaan dhowr nal iyo qeybta lagu dabeysto taleefannada ee loo yaqaanno Charger-ka, marka awoodda korontada aan u galineyno waxay ku xirantahay inta ay baahidooda la egtahay”.

Guuleed Wiliq Wiliq waxa uu sheegay in nidaamka ay dadka lacagta adeeggan uga qaadaan uu yahay mid ay si aad ah ugu riyaaqeen.

“lacagta markii ay tahay $200 oo doolar ama $300 oo doolar, dadku waxay marka ugu horreysa bixinayaan 20%, 30% ama 50% ka mid ah qiimaha inta kalena waxay si tartiib tartiib ah ugu bixinayaan muddo 1 sano ah gudaheed, taasina dabcan waxaa uga baxeysa lacag ka yar midda ay jkorontada caadiga ah ku bixiyaan bil walba, intaana waxaa u sii dheer in markii ay lacagta wada dhammeystiraan ay qalabka iyagu milkiyaddiisa yeelanayaan” ayuu yiri.

Sheekooyinka uu nala wadaagay waxaa ka mid ah: In uu la kulmay haweeney heysata carruur agoon ah oo loo heystay lacagta korontada caadiga ah, taasoo uu markii dambe ku caawiyay adeegiisa korontada Soolarka oo uu si bilaash ah ugu rakibay.

Dadka adeeggan loo sameeyo waxaa lacagta looga qaadaa hab wakhtiyeysan
Dadka adeeggan loo sameeyo waxaa lacagta looga qaadaa hab wakhtiyeysan

In koronto xoolo lagu badasho!

Qaar ka mid ah dadka xoolaleyda ah ee u baahan adeegga korontada ayey ku adkaataa iney lacag ku bixiyaan, balse Guuleed ayaa fursad kale siiya dadkaas.

  • Koronto la’aan ku habsatay dalka Itoobiya
  • Koronto la’aan ka dhacday Kenya inteeda badan
  • Baabuur koronto ku shaqeeya oo lasoo saarayo

      “Sida aan ognahay, dadka baadiyaha way xoolo jecelyihiin, sidaas awgeed ninkii wuu ka caga jiiday inuu xoolaha ku baddasho korontada. Laakiin waxaan u sheegay in Arigu ay wakhti yar oo qiyaastii 6 sano ah gaarayo, ama intaas ka hor xitaa uu sababo kale uga dhammaan karo, laakiin korontadeyda ay u gaareyso ilaa 22 sano, ka dibna markii uu ka soo fikiray wuu oggolaaday, laakiin wuxuu ii keenay 1 neef oo orgi ah wuxuuna iga dalbaday inaan ugu baddalo 100W oo koronto ah. Korontada ayaa aad uga qaalisaneyd neefkiisa laakiin waan ka aqbalay, waayo waxaan rabay inaan billaabo mashruucaas xoolaha iyo korontada lagu kala baddalanayo”.

      Guuleed ayaa sheegay in markii hore uu ka fakarayay sida uu ganacsigiisa ugu maareyn karo xoolaha korontada lagu baddalayo balse ay markii dambe u fududaatay in xoolaha uu dib u beec geeyo, sidaasna uu lacag uga helo.

      Adeeggan korontada ayaa ku shaqeya ileyska qorraxda oo qura
      Adeeggan korontada ayaa ku shaqeya ileyska qorraxda oo qura

      Adeegga korontada ileyska Qorraxda iyo beeraha

      Maadaama uu Guuleed ku takhasusay cilmiga maareynta kheyraadka biyaha, ujeeddooyinkiisa ugu waaweyn mid ka mid ah waxay ahayd inuu gacan siiyo dadka beeraleyda ah uuna ka caawiyo sidii ay biyaha u keydsan lahaayeen.

      Isagoo ka hadlaya qorshaha uu beeraleyda u sameeyay ayuu yiri: “Dadka beeraleyda ah ee ceelasha heysta waxaan u sameynaa adeegga korontada ee ileyska qorraxda ku shaqeeyqa waxaana qiimihiisa kula xisaabtannaa marka ay beerta u soo go’do, xilligaas ayaana lacagta ka qaadannaa. Waxaan sidoo kale beeraha dhexdooda uga sameynaa ganacsiyo kale oo ay ka mid yihiin ukunta digaagga ee korontada lagu keydiyo iyo Malabka shinnida, kuwaas oo si gooni ah loo sii iibiyo”.

      Beeraleyda ayaa kharashka korontadan iska bixiya marka uu dalagga u soo go'o ka dib
      Beeraleyda ayaa kharashka korontadan iska bixiya marka uu dalagga u soo go’o ka dib

      Guuleed Wiliq Wiliq ayaa ugu dambeyn sheegay in Mashruucan ganacsiga korontada uu sii ballaarin doono, si loo gaarsiiyo deegaanno kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

      Wuxuu dadka kale ee aqoonyahannada ah ku boorriyay iney la yimaadaan fikrado noocan ah oo wax tar u leh dadka, isla markaana ay dhaqaale ka faa’iidaan iyagoo dadkana caawinaya.

      Source: https://www.bbc.com/somali/war-46620762.amp

This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *